Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Askari Nus dollar u dilay qof shacab ah oo damiin lagu sii daayey

Askari ka tirsanaa ciidamada Booliska Kenya oo lagu soo eedeeyay inuu toogasho ku dilay nin ka mid ah wadayaasha mootada ama dhugdhugleyda ee magaalada Nairob 19-kii bishii Febraayo ee sannadkaan ayaa ayaa lagu sii daayay lacag damaanad ah.

Garsooraha Sare ee maxkamada Makadara Heston Nyaga ayaa sii daayay Mr. Zadock Ochuka Oyieka ka dib markii laga qaaday damiin lacageed oo gaareysa hal milyan oo shilinka Kenya iyadoo Maxkamaddu ku amartay sarkaalka inuusan soo faragalin marqaatiyaasha iyo baaritaanka.

Sidoo kale Garsooraha ayaa Mr. Oyieka amar ku siiyay inuusan tagin goobta uu dhibaatada ka geystay ee isbitaalka Mama Lucy iyo inuusan la xiriirin markhaatiyaal.
Agaasinka dambi Baarista ee DCI-da qeybteyda Kayole ayaa doonayay in la dheereeyo haynta dambiilaha balse qareenka Mr Oyieka, Nick Cumari ayaa ka soo horjeestay arrintaasi.

Askarigan dilka macno darada ah geystay ayaa lagu amray inuu xaadiro xafiiska dambi barista qeybta Kayole Talaado walba ilaa iyo 16-ka Maarso ee sannadkan oo ah xiliga dacwadiisa la furi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasimaha Sirdoonka Turkiga oo Muqdisho yimid iyo xog ku aadan ujeedka Safarkiisa

Cabdi Cade

DF oo War ka soo saartay Nin ka yimid dalka Shiinaha oo garoonka Muqdisho lagu hayo (Akhriso)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo arrimo ka dhan ah kooxda Al Shabaab kala hadlay Tim Trenkle (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---