DF oo War ka soo saartay Nin ka yimid dalka Shiinaha oo garoonka Muqdisho lagu hayo (Akhriso)

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee xukuumada Somalia ayaa war ka soo saartay nin Soomaali ah oo lagu qabtay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ka dib markii looga shakiyey cudurka Coronavirus ee ku faafaya dalal badan oo ka tirsan caalamka.

Ninkan Soomaaliga ah oo ka yimid dalka China ayaa Addis Ababa ka soo raacay dayuurada Ethiopian Airlines oo ka soo dejisay garoonka Aadan cadde.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaarada caafimaadka ayaa lagu sheegtay in ninkaas aan laga helin illaa hadda cudurka balse lagu hayo goob gaar ah oo lagu karantiilay si loo hubiyo baaritaano dheeraad ah oo caafimaana loogu sameeyo ka hor inta aan magaalada fasaxin.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -