Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duuliye Asli Calansida oo ka hadashay taariikhda Maalinta haweenka 8-da Maarso

Duuliye Asli Xasan Cabaade (Calansida) oo ah haweeneydii ugu horeysay taariikhda Somalia ee duulisa dayuurad dagaal kana mid ahaan jirtay ciidankii cirka Soomaaliyeed ayaa munaasabadda xuska maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso awgeed waxay hambalyo bogaadin u dirtay haweenka Soomaaliyeed ee sooyaalka dalkeenna kaga jira baal dahab ah.

Asli Xasan Cabaade oo haatan ku nool gobolka Texas ee dalka Maraykanka ayaa xustay kaalintii haweenka Soomaaliyeed ka soo qaateen halgankii gobanimo-doonka, iyadoo xustay qaar ka mid ah haldoorka Haweenka Soomaaliyeed oo tusaale muuqda u ah kaalinta haweenka ee dib u dhiska iyo samata bixinta dalka.

“Halgankii gobonnimo doonka waxaa jiray hooyooyin lafdhabar u ahaa oo aan ka xusi karo Xaawo Cusmaan Taako iyo iyo qaar kale oo badan Waxaa jira kuwa haatan ah tusaale nool oo aan ku faani karno dadaalkooda iyo kaalinta ay ka gaysteen dhismaha Isbitaallo, xarumo daryeel, ilaalinta deegaanka iyo ka qeyb galka nabad dhisidda, dib u heshiisiinta iyo difaaca dalka” ayey tiri Duuliye Asli Calansida.

Duuliye Asli calansida oo ka hadashay taariikhda iyo sida ay ku timid in maallinta haweenka dunida loo asteeyo 8 Maarso ayaa waxay hadalkeeda ku bilowday sidatan.

8-da (March 1857) kii ayay Dumar ka shaqaynayay Warshadda Dharka (New York) ee Waddanka Maraykanku mudaharaad sameeyeen, iyagoo ka dhiidhiyay shaqa-xumo ay ku darsantay waliba mushahaar –yaraan, iyagoo isugu soo baxay waddooyinka, waxaana kala caydhiyay Booliska, laba sano ka dib Dumarkaasi waxay samaysteen, Guddi u dooda xuquuqdooda shaqo- ahaaneed.

Maalinta 8-da (March 1908) kii ayay 15,000 oo Haween ihi, ay isugu soo baxeen (New York), iyagoo dalbanaya in saacadaha shaqada la yareeyo, mushahaar fiicanna la siiyo, xaqooda cod bixineedna la sugo.

Sidaa daraaddeed Siddeeda Maarso taariikhdeedu waxay soo hoos galeysaa laba dhacdo oo kala ah Maalinta Haweenka ee Waqooyiga Amerika iyo Maalinta Haweenka ee Yurub.

Maalinta Haweenka Waqooyiga Ameerika, waxay tix raacaysaa oo ay ka soo jeeddaa, dhacdo loogu doodayay xaqa codaynta ay Dumarku leeyihiin waxaana soo qabanqaabiyay, Ururka Haweenka ee Qaranka Maraykan Maalin Axad ah bishii (February 1909) kii, waxayna noqotay Maalintii haweenka, waxaana loo dabbaal-degi jiray sannad walba ilaa iyo (1914 ) kii.

1910 kii shirkii labaad ee caalamiga ahaa ee lagu qabtay (Copenhagen), Madaxwaynaha Xog-hayayaasha Caalami ee Bulshada Dumarka Jarmalka Clara Zetkin ayaa soo jeedisay in la’ aasaaso Maalinta Haweenka, iyadoo loo dabbaaldegi doono sannad walba si loo sugo xaqa ay gabadhu u leedahay inay codayso, waxaana si wada jir ah iskugu waafaqay 17 Waddan oo joogay shirkaas.

Go’aankii la qaatay Shirkii Copenhagen ka dib, Maalinta Haweenka Adduunka waxaa looga dabbaaldegay markii ugu horreysay (March 19, 1911), Waddamada Jarmalka, Australia, Denmark, Switzerland, iyadoo ay isugu soo baxeen in ka badan malaayiin rag iyo dumarba leh.
1913 kii iyo 1914 kii Dumarka Yurub iyo Ruushka ayaa qabtay shirar dhamaadkii (February) ilaa horraantii (March), si ay ugu mudaharaadaan dagaalka (waa dagaalkii koowaad ee Adduunka) oo ay muujiyaan midnimada Dumarka kale.

1917-kii wax yar ka dib dhicitaankii Czar Dumarkii ruushku way ka’ ambadeen nidaamyadii Xisbiga Bolshevika, waxayna qaadeen waddooyinka iyagoo dalbanaya cunto iyo inay Raggoodu ka soo noqdaan dagaalka, mudaharaadkaasi wuxuu dhacay Axaddii ugu dambaysay (February) marka loo eego taariikhda ruushka oo ku beegan Siddeedda Maarso ee taariikhda casriga ah ee la yidhaah greogorian-ka .

Sanadkii 1921kii ayuu Hoggaamiyihii Midowga Soofiyeeti, uu shaaca ka qaaday in 8 da Maarso ay noqoto Maalinta Haweenka Adduunka, sidaaseyna ku noqotay Maalin looga dabbaaldego Yurub iyo Adduunka kale si isku mid ah.

1977 kiina Qarammada Midoobay ayaa soo saartay go’aan ah in Waddan kastaa uu sameeyo Maalin uu u dabbaaldego Maalinta Haweenka iyo Maalinta Nabadda Adduunka .

Haddaba Ummadda Soomaaliyeedow, kaan arkeynoow arag, Arrimaha Siyaasadda iney abaabuleyso arag, iney daafacdo Arlada arag, indheer-garad iney tahay arag.

DUULIYE ASLI CALANSIDA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo ka codsatay reer Galbeedka in lagala tashado xalka xasaradaha ka taagan Badda Cas

Cabdi Cade

NISA oo Sh/hoose ka soo qabatay koox ka tirsan Al-Shabaab & Walxaha qarxa

Caydiid Ali

Israel oo duqeyn culus ka geysatay xerada Jabalia iyo dad ku dhamaaday (Sawirro)

Caydiid Ali