Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo fagaare ku toogatay Soomoow Sanweyne iyo dambiga uu galay oo la cadeeyay

Fagaare kuyaal degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu toogtay nin lagu helay in uu dil u geestay ruux kale, waxaana fagaaraha dilkan ka dhacayay kasoo qeyb galay dadweyne badan.

Maxkamada Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka ayaa xukun dil ah ku fulisay nin lagu magacaabo Soomow Sanweyne oo maxkamadu sheegtay in si bareer ah u dilay nin kale oo lagu magacaabo Axmed Cabdulaahi .

Ehelada ninka la dilay ayaa Maxkamada Al Shabaab ka codsaday in xukun qisaas ah loogu fuliyo ninka gacan ku dhiiglaha, waxa ayna maxkamada ugu dambeyn xukun dil ah ku fulisay ninka gdilka geestay.

Deegaanada gacanta ugu jira Al Shabaab ayaa laga fuliyaa xukuno dil ah oo loo geesto dadka dilalka geesta iyo sidoo kale dadka Al Shabaab ku eedeeyeen in ay jawaasiis yihiin ama dowlada u shaqeeyaan.

 

Related posts

Safiirka Itoobiya oo dhambaal soo gaarsiiyay Guddoomiye Aadan Madoobe (Sawirro)

Cabdi Cade

Turkiga oo xirxiray 44 qof oo basaasiin u ahaa sirdoonka Israel ee Mossad

Caydiid Ali

Feysal Cali Waraabe oo Farmaajo ku eedeeyey inuu wado qorshe halis ku ah Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---