Feysal Cali Waraabe oo Farmaajo ku eedeeyey inuu wado qorshe halis ku ah Somalia

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyey kulamo uu halkaasi kula qaatay siyaasiyiin caanka ah Soomaaliya oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jubbaland iyo xubno kale.

Waxaa uu sheegay in siyaasiyiinta ay ka wada hadleen kana tashadeen inay ka hortagaan qorshe ay wadaan Madaweyne Farmaajo, Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo dalal kale kaasoo buu yiri dekadaha Somalia loogu wareejinayo Itoobiya.

“Safarkeyga Laba arrimood ayuu ku saabsan yahay kulamo aan la qaadanayo beesha caalamka iyo siyaasiyiin Soomaali ah & inaan ka hortagno qorsho ay wadaan xubno uu ka mid yahay safiirka Mareykanka ee Kenya, madaxdii Soomaalida ee aan kulanay waxaan ka wada-hadalnay inaan Itoobiya ka badbaadino Baddeena, waayo Farmaajo ayaa nin ina Adeerkiis ah u magacaabey in badda la siiyo” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Waxaa uu sheegay inay madaxda Soomaalida ay kala shireen sidii Soomaaliya loo badbaadin lahaa, waxaana uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu wado qorsho dekadaha Soomaaliya loogu wareejinayo itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -