Somaliland oo dhibsatay si kululna u cambaareesay Hadal kasoo yeeray James Swan

Maamulka Somaliland ayaa ka carooday qoraal dhawaan uu soo saaray Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan, qoraalka ayuu ku sheegay inuu ka shaqeynayo nidaamka doorashooyinka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta, maamulka Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore)  ayaa qoraal uu soo saaray ku cambaareeyay hadalkan kasoo yeeray Amb James Swam, waxa uuna xusay in hadalkaasi uu saameenayo xaqiiqada ka jirta Somaliland iyo madax-bannaanideeda.

Halkan ka akhriso War Saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay iftiiminaysaa sida qotada dheer ee ay uga xun tahay warmurtiyeedkii uu dhawaan soo saaray Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo sheegay in xafiiskiisu uu ka shaqeynayo qorshaha geddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Hadalkaasi maaha mid saamanaya xaqiiqada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo nidaamkeeda dimoqraadiyadaba.

Dhawaaqa ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha Guud waxa uu ka hor imanayaa Qaramada Midoobey, oo sheegta inay daacad ka tahay siyaasadda mandaqadda.

Xukuumadda JSL waxay cambaaraynaysaa war-saxaafadeedkii Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ay u aragto daandaansi iyo faragelin uu ku sameeyay xornimada Somailand iyo is-xukunkeeda. Waxa kaloo hadalkiisu xushmad darro ku yahay hannaanka dimoqraadiyadda JSL iyo horusocodkii ay sameynaysay tan iyo xiligii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya, 18kii May 1991kii.

Somaliland waxay guulo waaweyn ka gaadhay oo u qabsoomay doorashooyin lagu guulaystay oo ku saleysan hal qof iyo hal cod iyo hab nabadgelyo ah, oo hoggaamiyeyaasha Somaliland ay xilka iskugu wareejiyeen.

Hadalka Wakiilka Xoghayaha guud wuxuu xushmad darro ku yahay waajibaadkii ay aheyd inay Qaramada Midoobey ay garab istaagto nabadgelyada iyo xasiloonida mandaqadda.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa beesha caalamku inay ka fogaadaan ficil kasta oo ihaano iyo liddi ku ah nidaamka dimoqraadiyadda, madax-bannaanida iyo xornimada Somaliland, oo ay taabageliyaan sidii ay u sii wadi lahaayeen inay xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland kala shaqeeyaan arrimaha horumarinta iyo xasiloonida mandaqadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -