Guri kuyaala Muqdisho oo mudo 30-sano xoog lagu heestay oo maanta la wareejiyay (Daawo Sawirada)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ku guuleestay in muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyaan guri uu lahaa oo kuyaala magaalada Muqdisho oo mudo 30-sano ah xoog looga heestay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed ayaa maanta gurigiisa oo ku yaala waaxda Jabuuti ee degmada Kaaran ku wareejiyay Maxamed Shariif Cumar oo 30-sano si sharci daro ah looga heestay gurigiisa.

Gurigaan maanta la wareejiyay ee sida sharci darada ah lagu daganaa ayaa waxaa ka muuqday dayac xoogan inkastoo dadkii mudadaasi fog daganaa ay ogolaadeen in si nabad galya leh ku wareejiyaan .

Guryo badan oo kuyaala magaalada Muqdisho oo dadkii lahaa xoog looga heestay ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay maamulka Gobolka Banaadir ku guuleestay in dib ugu celiyaan dadkii lahaa.

- Advertisement -