NISA oo garoonka dayuuradaha ka xirtay Cabdalla Axmed Mumin (Sababta)

Saraakiisha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka  NISA ayaa xabsiga u taxaabay Xoghayaha ururka suxufiyiinta ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin xili uu ka dhoofi rabay garoonka Aadan cadde.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii Xoghayaha oo shir jaraaid ku qabtay Muqdisho uu kaga hor yimid amarkii ka soo baxay dowlada Somalia oo sheegayey inaan la baahin wararka Al-shabaab.

Sidoo kale Somali Journalists Syndicate (SJS) ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan NISA ay shalay weerareen xarunta ururkaas ee magaalada Muqdisho.

“Shalay abaare 6:29 maqrinimob ayaa koox hubeysan oo ka tirsan NISA uuna horkacayay Taliyaha Saldhiga degmada Hawlwadaag waxay soo weerareen xafiisyada SJS. Inkastoo shaqaalaheena ay ka maqnaayeen xafiiska, saraakiisha, oo laba ka mid ah ay wejiyada soo duubteen ayaa u hanjabay deriska si ay ugu qasbaan inay furaan albaabkeena” ayaa lagu yiri qoraal galabta kasoo baxay SJS.

Sidoo kale, waxay baraha bulshada ku baahiyeen muuqaallo muujinaya saraakiil ay sheegeen inay ka tirsan yihiin NISA oo isku dayaya inay xoog ku furaan xafiiska SJS.

Ma jiro illaa hadda war ka soo baxay NISA oo ku saabsan xariga Cabdalla Axmed Muumin oo illaa hadda aan laga war heynin halka uu ku xiran yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -