Milateriga Israel oo dad ku laayey duqeyn ka dhacday degmada Rafah (Sawirro)

Saraakiisha Isbitaalada falastiiniyiinta ayaa sheegay in duqeymo dhanka cirka ah oo Israel ay ka geysatay koonfurta magaalada Rafah ee marinka Qaza ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof.

In ka badan kala bar dadka dhulkaas oo ah 2.3 milyan ayaa magangelyo u soo doontay Rafah, halkaasoo Israa’iil ay maalin kasta ka fuliso weerarro cirka ah xilli ay isu diyaarinayso weerar dhulka ah oo0 ay ku qaado magaalada. Ciidamada Israa’iil ayaa deegaankaas ku ururiyay tobonaan taangiyo ah iyo baabuurta gaashaaman, taasoo u muuqata diyaar-garow loogu jiro duulaanka Rafah.

Bartamaha Qaza, afar qof ayaa lagu dilay duqeymaha taangiyada Israel.

Sarkaal sare oo ka tirsan siyaasadda Xamaas ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in kooxda ay diyaar u tahay inay heshiis xabad joojin ah oo shan sano iyo ka badan ah la gasho Israel.

Dhinaca kale, Markab ku socdaalayay gacanka Cadmeed ayaa la weeraray Khamiistii, sida ay saraakiishu sheegeen, weerarkii ugu dambeeyay ee ay u badan tahay in ay fuliyeen fallaagada Xuutiyiinta Yemen.

Dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ayaa ka dhashay weerar aan horay loo arag oo 7-dii October lagu qaaday koonfurta Israa’iil kaas oo ay ku dileen ku dhawaad ​​1,200 oo qof oo u badnaa dad rayid ah, kuna afduubteen ku dhawaad ​​250 la haysteyaal ah. Israa’iil waxay sheegtay in kooxdu ay weli gacanta ku hayaan ku dhawaad ​​100 la haystayaal ah iyo meydadka in ka badan 30 kale.

Milateriga Israa’iil ayaa tobaneeyo taangiyo ah iyo baabuurta gaashaaman isugu geeyey xadka ay la wadaagto koonfurta marinka Qaza, taas oo u muuqata diyaar garow duulaan ay ku qaadayso magaalada xadka ku taalla ee Rafah.

Hogaamiyayaasha Israa’iil ayaa sheegay in Rafah ay tahay magaaladii ugu dambaysay ee Xamaas ay ku lahayd Gaza kadib in ka badan lix bilood oo dagaal ah. Inkasta oo ay jiraan mucaaradad caalami ah oo baahsan, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray in uu ku duuli doono magaalada, oo ku taal xadka Masar, taas oo qayb ka ah qorshihiisa uu ku burburinayo Xamaas isaga oo ka jawaabaya weerarradii kooxda ee Oct. 7 ee koonfurta Israel.

Ilaa 1.4 milyan oo falastiiniyiin ah, oo in ka badan kala bar dadka reer Gaza, ayaa ku soo qulqulay magaalada Rafah, kuwaas oo intooda badan ka soo qaxay dagaalka meelo kale oo dhulka ah. Beesha caalamka, oo uu ku jiro Mareykanka, ayaa ka baqdin qaba in howlgalka Israel uu halis geliyo dadka rayidka ah.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay diyaarinayso qorshe lagu daadgureynayo dadka rayidka ah ka hor inta aysan wax howlgal ah ka fulin magaalada Rafah.

- Advertisement -