Allbanaadir.com
NEWS

Masuul xil kasoo qabtay Puntland oo shaqo ka helay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Somalia

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Agaasimihii hore ee Warfaafinta Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xarbi Cali Kulane waxaana xilkaasi loo magacaabay shaqsi cusub.

Agaasimaha  Warfaafinta Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa loo magacaabay Yacquub Maxamed Cabdalla oo horey usoo noqday kuxigeenkii Duqa magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland.

Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa sidoo kale Wariye kasoo noqday magaalada Gaalkacyo isaga oo kasoo shaqeeyay Idaacada Gaalkacyo sidoo kale Wakiil wareed magaaladaasi uga soo noqday mid kamid ah Telefishinada Soomaaliya.

Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa shaqo ka helay Wariyaal u badnaa kuwa kasoo qeyb qaatay ololihii doorashada uu kusoo baxay Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Xasan Macalin oo saddex dhacdo ka raaligaliyay xildhibaannada Golaha Shacabka

Cabdi Cade

DEG DEG: Xoogaga TPLF oo ciidamada Itoobiya kala wareegay Magaalada Makelle

Caydiid Ali

Nabadoon caan ah sidoo kale xil hayay oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---