Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Xasan Macalin oo saddex dhacdo ka raaligaliyay xildhibaannada Golaha Shacabka

Wasiirka Dastuurka iyo Caddaaladda xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Macalin oo maanta hortagay xildhibaannada golaha Shacabka ayaa la raaligaliyay dhacdooyin ay dhibsadeen xildhibaannada uu kula dhaqmay.

Xasan Macalin ayaa sheegay in uu ka xun yahay kana raaligalinayo xildhibaannada saddex dhacdo uu sheegay in si aan ku talagal aheyn uga dhaceyn, waxa uuna xusay in uu arrintaasi raaligelin ka siinayo xildhibaannada.

Wasiirka ayaa sheegay dhacdadii ugu dambeysay maalintii Sabtida in ay ku timid xildhibaannada oo kulanka kasoo daahayay iyo isaga oo looga yeeray shir amniga dalka looga hadlayay oo ak dhacay madaxtooyada.

Wasiirka ayaana raaligelinta xildhibaannada kaddib golaha kahor jeediyay hindise sharciyeed ay soo gudbisay wasaaradiisa, waxa uuna ka codsaday in ay akhriyaan ayna meel mariyaan hindisaha,.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaaa dood ka yeeshay hindise sharciyeedka ay wasaaradda caddaaladda usoo gudbisay, waxa ayna xildhibaannada dooda dhiibtay ka hadleen sida ay u arkaan hindisahan la horkeenay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo la wareegeysa guddoonka golaha Wasiirada Jaamacada Carabta

Caydiid Ali

Qarax ka dhacay Magaalada Beladweyne & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Ku dhowaad 180 qof oo ku dhintay Shil dayuuradeed (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---