DEG DEG: Xoogaga TPLF oo ciidamada Itoobiya kala wareegay Magaalada Makelle

Xoogaga Jabhada TPLF ayaa caawa si buuxda ula wareegay magaalada Mekelle caasimada gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kaddib markii ay halkaasi isaga bexeen ciidamada dowladda Itoobiya oo halkaas ku sugnaa 8dii bilood ee la soo dhaafay.

Sida uu qoray wargeyska Addis Standard, Ciidamo la magac baxay Ciidanka Difaaca Tigray (TDF) ayaa caawa qabsaday magaalada Makelle, waxaana iskugu soo baxay halkaas dadweyne fara badan oo ku faraxsan isbedelka dhacay.

Maamulka ay halkaa u magacowday DF Itoobiya ayaa ku baaqay xabbad joojin, si loo ilaaliyo fasalka beerashada ee socda.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga TPLF ay maalmahanba ku sii siqayeen magaalada Makelle, ayna ciidamada dowlada ka qabsadeen degaano badan oo u dhow magaaladaas.

Maamulkii ku-meel gaarka ahaa ee uu RW Abiy Ahmed ka dhisay gobolka Tigray

Madaxweynaha KMG ah ee Gobolka Tigray Abraham Belay ayaa uu ku dhawaaqay xabbad joojin rasmi ah, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee FANA iyo Warbaahinta dawladda ee EBC.

Dagaalyahanada TPLF oo dib isu abaabulay ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey guulo waaweyn ka gaaray dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowlada, iyagoo dib u qabsaday magaalooyin badan oo ku yaalla gobolka Tigray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -