Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon caan ah sidoo kale xil hayay oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay Nabadoon Gaabow Buule Xasan, sidoo kale ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Nabadoonka oo caan ka ahaa gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu dilay xaafada Siliga Ameerikaanka, waxaana baxsada ragggii dilka u geestay oo la tuhmayo in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab.

Nabadoonka la dilay ayaa kamid ahaa dadka sida weyn uga soo horjeeday fikirka Al Shabaab ee dagaalka ku dhisan, waxa uuna nabadoonka kamid ahaa dadkii hormuudka u ahaa in kooxda Al Shabaab laga saaro deegaanka beeshiisa ku badan tahay ee Awdheegle.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in nabadoonka uu ahaa saxiixaha xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ku matela beeshiisa, waxa uuna kamid ahaa dhaqanka ka sukow masuul katirsan maamulka Awdheegle.

Al Shabaab ayaa marar badan gaadmo ku dishay odayaal iyo dad kale oo kasoo horjeeda fikirkooda sidoo kale dagaal la galay, Al Shabaab ayaana habeen kahor  waqooyiga Muqdisho nin kale oo nabadoon ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo caawa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo sheegtay iney qaadeyso talaabo ka dhan ah faragelinta Kenya (Akhriso)

Caydiid Ali

Mid kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka oo is karaantiilay kadib markii …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---