Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Lugta ku salaamay Siyaasi Mucaarad ku ah oo oo booqday iyo Sababta keentay

Madaxweynaha dalka Tanzaaniya John Magufuli , ayaa laga soo qaaday Sawir hadal heyn badan abuuray xili uu Qasriga Madaxtooyada Tanzaaniya kusoo dhaweenayay siyaasi kamid ah Mucaaradka Tanzaaniya.

Madaxtooyada Tanzaaniya ayaa sawirkan usoo bandhigtay Warbaahinta, waxaana la arkayay Madaxweyme John Magafuli iyo siyaasi  Macalin Seif Shariif Axmed oo labada lug isku salamaya badalkii ay gacmaha isku salaami lahaayeen.

 

Warbaahinta Tanzaaniya ayaa ku warantay in Madaxweynaha uu doorbiday inuu lugta ku salaamo dadka si loo dhaqan geliyo tallaabooyinka ay shaaca ka qaaday wasaaradda caafimaadka dalkaas ee looga hortaggayo caabuqa Corona.

Cudurka Caronavirus oo ku faafaya caalamka ayaa keenay in dadku kala shakiyaan, waxaana hada la shaaciyay in cudurkaasi uu soo gaaray Qaarada Afrika laguna arkay dad qaba caabuqa Caronavirus dhoor Wadan oo Afrika kuyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil uu dhalay Wasiiru Dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya oo dagaal lagu dilay

Cabdi Cade

Afar Musharax ay ku jiraan Xasan Sheekh iyo Kheyre oo Caawa kulan yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Cali Guudlaawe iyo Max’uud Macalin Cabdulle oo labo arrin ka wada hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---