Taliyihii Nabad sugida G/Banaadir oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya uu xilka ka qaaday Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir Ibrahim Macalin.

Agaasime Fahad Yaasiin ayaa la sheegay in uu xilka ka qaaday taliyihii Nabad sugida gobolka Banaadir, waxa uuna xilka taliyahaasi si KMG ah Fahad ugu magacaabay nin kale oo lagu magacaabo Ciise Maxamed Ciise.

Lama oga sababta xilka looga qaaday taliyihii Nabad sugida gobolka Banaadir Ibraahin Macalin oo xilkaasi hayay sanad iyo bilooyin, waxaana xil ka qaadistan qeyb ka tahay isbadalka uu Fahad Yaasiin ku sameenayai Hay’ada NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -