Warar sheegaya in Macalin Maxamuud ka baxay Dhuusomareeb iyo xog ku aadan halka uu aaday

War goordhaw naga soo gaaray magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Hogaamiyihii Ahlu Sunna Macalin Maxamuud uu isaga tagay magaaladaasi kadib markii uu shalay isku dhiibay ciidanka dowlada.

Macalin Maxamuud iyo xubno la socda ayaa la sheegay in loo ogolaaday in ay ka baxaan magaalada Dhuusomareeb ayna aadaan deegaanada Puntland uu doonayo in uu uga sii baxo dalka dibadiisa.

Sida aan wararka ku helnay Hogaamiyaha Ahlu sunna ayaa saakay aror hore ka baxay magaalada Dhuusomareeb , waxaana wararku sheegayaan in uu gaaray magaalada Gaalkacyo gaar ahana waqooyiga magaaladaasi uu ka taliyo maamulka Puntland.

Macalin Maamuud waxaa horey usii galbiyay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo amaankiia ilaalinayay, lamana oga in Wadaadkan uu maalmo sii joogi doono deegaanada Puntland iyo in uu si deg deg ah dalka dibadiisa gaar ahaan Kenya ugu dhoofi doono.

Maamulka Galmudug ayaan wali xaqiijin warkan ku aadan in Macalin Maxamuud ka baxay magaalada Dhuusomareeb, waxaana arintan kusoo aadeysa xili xalay Saqdii Dhaxe Macalinka uu kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Hogaamiyaha Ahlu sunna Macalin Maxamuud ayaa ka biyo diiday in magaalada Muqdisho la geeyo, waxa uuna taa badalkeeda dalbaday in la geeyo deegaanada maamulka Puntland uu sheegay in naftiisa kalsooni ku qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -