Galmudug iyo Xaaf oo heshiis hoose gaaray iyo Qodobada ay ku heshiiyeen labada dhinac oo…

Maamul goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay in heshiis la gaareen Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka biyo diiday doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee lagu doortay hogaanka cusub ee Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudud Cali Daahir Ciid oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in heshiis la gaareen Madaxweynihii hore ee Galmudug, waxa uuna tilmaamay in Xaaf kasoo qeyb gali doono caleemo saarka Madaxweyne Qoor Qoor.

Waxa uu sheegay Cali Ciid in qodobada ay ku heshiiyeen madaxda Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Axmed Xaaf dhawaan la shaacin doono, waxa uuna tilmaamay in dadaalo badan oo socday ugu dambeyn lagu guuleestay heshiiskan.

Cali Ciid ayaa sheegay in Madaxweyne Qoor Qoor uu ka dhabeeyay balan qaadkiisi ahaa in wadahadal la galayaan ayna qancinayaan cid kasta oo tabasho qabta si loo helo Galmudug loo dhan yahay .

Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf ayaan wali dhankiisa ka hadlin heshiiskan hoose ee la sheegay in la gaaray, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo uu ka hadlo heshiiskan iyo in uu ka qeyb galayo caleemo saarka Qoor Qoor.

Heshiiskan maamulka Galmudug la galeen Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi oo caro la joogay Gaalkacyo ayaa kusoo aadaya xili Galmudug ay soo afjartay jiritaankii kooxda Ahlu sunna oo caqabad ku aheyn jiritaanka maamulkaasi .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -