Guddoomiyaha Aqalka Sare oo arrin Muhiim ah kala hadlay James Swan (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Cabdi Xaashi iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay arrimo dhoor ah oo ay ugu muhiim saneyd dhameestirka doorashada gaar ahaan qabsoomida doorashadaĀ  Madaxweynaha Soomaaliya.

James Swan ayaa boggaadiyay dadaalada ay wadaan guddoonka labada Aqalka ee Baarlamanaka federaalka Soomaaliya, waxa uuna xusay in ay ku farax sanyihiin in laga soo gudbay marxaladihii adkaa lana sugayo hada doorashada Madaxweynaha.

Wakiiladda Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya qaarkood ayaa kulamo kala duwan la qaatay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka, waxa ayna kala hadleen dhameestirka doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -