Dowlada Somalia oo shaacisay howlgalo lagu laayey Shabaabkii ugu badnaa (Akhriso)

WAR SAXAAFADEED

In ka badan 80 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo laga fuliyay  Goballada Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo Bakool.

Muqdisho, 27 March, 2024: Hawlgalka koowaad; in ka badan 40 Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo ka dhacay deegaanka bacaadka Faarax Aadan oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo Khawaarijta ay isku aruursanayeen iyaga oo doonayay in ay weeraraan magaalada Xarardheere.

Hawlgalka labaad; in ka badan 35 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay hawdka Fiiqaay oo 15km qiyaastii u jira deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan ayaa lagu bartilmaameedsadaymaleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ee soo weeraray deegaanka Daaru-Nicma .

Hawlgalka Seddaxaad; Lix ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay halka seddax kalana lagu dhaawacay hawlgal lagu bartimaameedsaday fariisin Khawaarijta ay ku lahaayeen deegaanno hoos taga degmada Waajid ee gobalka Bakool.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in la ciribtiro Khawaarijta caadeysatay dhibaateynta shacabka ee ka waantoobi waaya falalka wuxuushnimada ah.

-Dhammaad-

- Advertisement -