Qorshe Muqdisho lagu keenayo Hogaanka Ahlu Sunna oo socda iyo Macalin Maxamuud oo…

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi ka socdaan shirar xasaasi ah oo ay leeyihiin Hogaanka sare ee maamulka Galmudug iyo saraakiisha amaanka.

Shirarka ka socda magaalada Dhuusomareeb ayaa looga arinsanayaa sida laga yeelayo Hogaanka kooxda Ahlu Sunna ee isku soo dhiibay ciidanka dowlada, kadib dagaal saacado badan socday oo ka dhacay magaalada Dhuusomareeb.

Sida aan wararka ku helnay shirarka xoogooda ayaa ka socda xarunta Madaxtooyada u ah maamulka Galmudug, waxaana halkaasi ku shirsan Madaxweynaha iyo madaxda kale ee Galmudug, waxaa sidoo kale shirarka qeyb ka ah saraakiil iyo siyaasiyiin.

Waxaa socda sida aan wararka ku heleyno qorshayaal looga tashanayo in Hogaanka Ahlu Sunna loo soo duuliyo magaalada Muqdisho si dowlada federaalka loogu wareejiyo Hogaanka Ahlu Sunna.

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud ayaa la sheegay in uu diidan yahay in la geeyo magaalada Muqdisho, waxa uuna taa badalkeeda codsaday in la geeyo magaalada Garawe si halkaasi uga sii aado dalka Kenya.

Waxa ay sidoo kale Madaxda kooxda Ahlu Sunna ee isku dhiibay ciidanka dowlada codsadeen in lagu sii hayo magaalada Dhuusomareeb lana sugo amaankooda inta xal iyo heshiis laga gaarayo arintooda

Lama oga in la tix galin doono codsiga Hogaanka Ahlu Sunna ee ku aadan in lagu sii haayo magaalada Dhuusomareeb ama loo ogolaado meel kale ay ku kalsoon yihiin sida deegaanada Puntland si ay halkaasi uga sii baxaan.

Afhayeen u hadlay Galmudug oo lagu magacaabo Cusmaan Taar Dhuleed ayaa Warbaahinta u sheegay in madaxda sare ee Galmudug ka tashanayaan sida laga yeelayo hogaanka Ahlu Sunna ee hada gacanta ku hayaan ciidamada amaanka.

Wali ma jiro wax go’aan ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan sida laga yeelayo Hogaanka kooxda Ahlu Sunna iyo ciidankooda maanta isku soo dhiibay ciidanka dowlada ee jooga Dhuusomareeb.

Kooxda Ahlu Sunna oo awood badan ku laheyd deegaanada Galmudug ayaa hada u muuqata mid awoodeeda meesha ka baxday, waxaana kooxdan marar badan diideen dhismaha Galmudug iyagoona dowlada uga baxay heshiisyo ay la galeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -