Khilaaf xoogan oo ka dhashay Xil ka qaadistii lagu sameeyay Genaraal Diyaano

Khilaaf xoogan ayaa ka dhashay xil ka qaadistii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku sameeyay agaasimihii Hay’adda Nabad Sugida iyo la dagaalanka Argagaxisada Genaraal Maxamuud Cismaan Diyaano .

Agaasimaha xilka laga qaaday iyo saraakiil kale oo katirsan ciidamada PSF ayaa ka biyo diiday xil ka qaadista uu sameeyay Madaxweyne Deni, waxa uuna agaasimaha kahor yimid in uu xilka wareejiyo.

Ciidamada PSF ayaa xarumihii ay ku lahaayeen magaalada Boosaaso iyo duleedkeeda kasoo baxay, waxa ayna ciidamada sameenayeen gadood ay kaga soo hor jeedaan xil ka qaadista lagu sameeyay agaasimaha.

Wasiirka Amniga Maamul Goboleedka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khilaaf uu soo dhax galay hogaanka Hay’adda Nabad sugida ee xilka laga qaaday iyo Madaxweyne Deni.

Galan ayaa sheegay in xilku meerto yahay la iskana qaadi karo, waxa uuna ugu baaqay agaasimaha xilka laga qaaday in si nabad galyo ah xilka ku wareejiyo , isagoo ka codsaday uu ka shaqeeyo nabad gelyada Puntland horseedna uusan u noqon xasilooni daro.

Waxaa socota waan waan lagu doonayo in Janaraal Diyaano lagu qanciyo in xilka si nabad galyo ah ku baneeyo kuna wareejiyo xilka Agaasimaha Hay’adda PSF masuulka cusub ee Madaxweyne Deni usoo magacaabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -