Kooxo hubeesan oo dil ka geestay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa duhurnimadii maanta waxa ay ruux aan wali la oqeyn waxa uu yahay ku dileen meel ku dhaw Masaajidka Daawada ee Suuqa Bakaaraha.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay dabley biskoolado ku hubeesan dhoor xabadood madaxa uga dhufteen wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa gudaha Suuqa, waxaana dilka kadib goobtaasi ka baxsaday ragii ka dambeeyay.

Meydka Wiilka la dilay oo daqiiqado yaalay halka lagu dilay ayaa markii dambe waxaa halkaasi ka qaaday ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida oo goobta dilku ka dhacay soo gaaray.

Dilalka qorsheesan ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaa xalay sidan oo kale kooxo hubeesan gudaha Suuqa Xoolaha waxa ay ku dileen Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu bajaajle ahaa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -