Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaare Rooble oo goor dhow soo saaray baaq Nabadeed (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaannada Deefow iyo Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Rooble ayaa ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedka Hirshabeelle, nabad doonnada iyo waxgaradka gobolka in ay kaalin ka qaataan joojinta iyo xal u helista colaaddaas.

“Beelaha walaalaha ee dagaaalamaya waa iney joojiyaan colaada, wixii khilaafaad ah ee jirana ku dhameeyaan miiska wadahadalka si walaalnimo ah” ayuu yiri Rooble.

Dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa saaka ka qarxay degaanada Kabxanley iyo Deefow ee duleedka magaalada Beladweyne kuwaasoo salka ku haya muran la xiriira degaanka iyo aano qabiil.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalkan inkastoo aan laga heyn tirakoob sax ah, iyadoo maamulka gobolka Hiiraan ay sheegeen iney halkaas u dirayaan ciidamo kala dhex gala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo Ganacsato usoo bandhigay Fursado Maalgashi (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda machadka Vlatacom iyo Shirkadda PULSEC (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo qorshayaal culus ka damacsan dib u dhigista magacaabista R/Wasaaraha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---