Akhriso Liiska Wasiirada ka banaan Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre

Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa xiligan ka banaan dhoor Wasaaradood oo Wasiiradii hayay qaarkood xilka laga qaaday halka qaar kalana ay xilkaas siyaabo kala duwan isaga casileen.

Isbuucan waxaa xilkii Wasiirnimo iska casilay Afar Wasiir oo isugu jira labo Wasiir, hal Wasiiru Dowle iyo Wasiir kuxigeen, waxaana Wasiirada is casilay ugu muhiimsan Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya.

Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa hada ka banaan 5-Wasiir hal Wasiiru Dowle iyo labo Wasiir kuxigeen, Wasiiradan ayaana isugu jira kuwe horey xilka uga tagay iyo kuwa isbuucan isku casilay in ay u tartamaan Doorashada Gudoomiyaha golaha Shacabka.

Dad badan ayaa isweediinaya xiliga Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya uu soo magacaabi doono Wasiirada ka dhiman Xukuumadiisa, waxaana xilalka Wasiirada qaarkood sii hayaal ka ah Wasiir kuxigeeno.

Waxaa xusid mudan in Wasiiradan banaan intooda badan ay iska leeyihiin Beesha Digil iyo Mirifle, waxaana la filayaa in Wasaaradahan Wasiiradooda la magacaabo marka la doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka kadib.

Halkan ka Akhriso Liiska Wasiirada ka banaan Xukuumada R/Wasaare Kheyre

Wasiirka Gaashaandhiga
Wasiirka Warfaafinta
Wasiirka Diinta iyo Owqaafta
Wasiirka Gargaarka iyo Biniā€™aadanimada
Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta
Wasiiru dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -