In ka badan 100 dal oo Somalia ugu deeqay lacag gaareysa $334 Milyan oo Dollar (Sababta)

Dalal boqol 100 ka badan oo xubno ka ah heyadda lacagta dunida ee IMF ayaa ballan qaaday inay bixinayaan $334 milyan oo qeyb ka ah deynta laga qafiinayo Soomaaliya

Sida ay maanta sheegtay IMF Ballan qaadkan ayaa u ogolaanaya Soomaaliya inay hesho lacag cusub oo dalka lagu caawinayo.

Soomaaliya oo lagu leeyahay deyn gaareysa $5.3 bilyan, ayaa waxaa deynta looga qafiifinayaa barnaamij gaar ah oo lagu kaalmeeyo dalalka ugu saboolsan dunida.

Maal-gelinta maanta loo ballan qaaday, ayaa Soomaaliya u sii dhoweyneysa inay hesho ansixinta kama dambeysta ah, taasoo si weyn u yareyn doonta deynta guud ee lagu leeyahay, una ogolaaneysa inay hesho kheyraad cusub sida ay bayaan ay soo saartay ku sheegtay agaasimaha maamulka IMF, Cristalina Georgieva.

“Tani waxay si cad u muujineysa in xubnaha IMF ay garowsan yihiin ballan-qaadyada xooggan ee joogtada ah ee Soomaaliya ay ku sameyneyso is-beddelo maaliaydeed, inkasta oo ay jiraan caqabado badan,” ayey tiri.

Guddiyada fulinta IMF iyo Banka Adduunka ayaa horaantii bishan ansixiyey in Soomaaliya ay u qalanto in deynta looga cafiyo barnaamijka HIPC ee dalalka ay saaran tahay deyn ka tan weyn.

Si ay ugu guuleysato ansixinta rasmiga ah, Soomaaliya waa inay sii waddaa inay muujiso hanaan maaliyadeed lagu qanci karo, taasoo qeyb ka ah barnaamijka IMF ay dusha kala socoto.

Go’aanka kama dambeysta ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa in IMF ay gaarto bisha March ee sanadkan dabayaaqadeeda, taasoo noqon doonto Guul weyn oo Somalia u soo hoyatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -