Ciidanka nabad sugida oo garoonka Aadan cadde ku qabtay dayuurad siday dollar badan oo kaash ah (Daawo Sawirro)

Wararka naga soo gaaraya garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidanka nabad sugida ay qabteen maanta dayuurad siday lacago kaash dollar ah oo ku jiray saddex boorso oo waaweyn.

Lacagtan oo lagu qiyaasay malaayiin dollar ayaa waxaa dayuurada kala soo degay saraakiil ka tirsan Safaarada Imaaraadka Carabta ku leedahay Somalia oo la socday dayuuradan ka timid Magaalada Abu Dubai.

Ciidamada nabad sugida oo la sheegay iney ka war heleen lacagta ay siday dayuuradan ayaa ku baxay arrintan, iyadoo saraaakiisha Imaaraadku ay diideen in la baaro boorsooyinka ay ku jirtay lacagta taasoo keentay ismaandhaaf xooggan.

Lacagtan ayaa looga shakiyey in lagu maalgelin rabo qorsheyaal siyaasadeed oo lidi ku ah dowlada Somalia, maadaama uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in la xayiray dayuurad yar oo lagu wareejiyey qeyb ka mid ah lacagtaas taasoo ku wajahneyd mid ka mid ah Maamul goboleedyada dalka.

Saraakiil ka tirsan dowlada Somalia iyo masuuliyiinta safaarada Imaaraadka ee Muqdisho ayaa ku baxay mashaqadan maanta hareysay garoonka Aadan cadde.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in masuuliyiin ka tirsan dowlada oo gaaray garoonka Aadan cadde ay halkaas ka soo kaxeeyeen saraakiisha Imaaraadka Carabta iyo lacagtiiba lamana oga illaa hadda in lacagtaas loo fasaxay safaarada Imaaraadka iyo in dowladu ay gacanta ku dhigtay.

Sidoo kale, dayuuradii Keentay lacagtaas oo laga lahaa dalka Imaaraadka ayaa loo diiday iney ka duusho garoonka Aadan cadde xili ay isku dayeysay iney laabato, waxayna illaa hadda fadhidaa garoonka.

Saraakiisa ciidanka nabad sugida ayaan weli ka hadlin lacagtan ay qabteen iyo halka ay ku socotay,  mana ahan markii ugu horeysay ee la qabto lacago dollar kaash ah oo lagala soo degayey garoonka Aadan cadde.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -