Daawo Sawirada: Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Columbus oo la aasay 

Labo Wiil oo Soomaali ah ayaa sabtidii lasoo dhaafay waxaa lagu dilay magaalada Columbus ee dalka Mareykanka, waxaana wali baadi goob ugu jiraan booliiska soo qabashada dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Labadan wiil oo lagu kala magacaabo C/laahi Sacid Sharif  oo 30 jir ahaa & Cabdiqaaliq  Sacid Maxmed oo 20 jir ah ayaa lagu dhax dilay gaari ay saarnaayeen, mid kamid ah wiilashaan ayaana ka tagay xaas iyo caruur.

Booliiska ayaa meydadka labada wiil ee la dilay ka qaaday goobtii lagu dilay, waxaana maalin kadib ehelada wiilashan ogaadeen in dadka la dilay yihiin wiilashooda, waxaana baaritaan kadib meydadkaasi lagu wareejiyay eheladooda .

Aas wadajir ah ayaa labadan wiil loogu sameeyay qabuuraha Muslimiinta ee magaalada Columbus, waxaana aaska kasoo qeyb galay Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool magaalada Columnus kuwaa oo aad uga murugeesnaa dilka wiilashan Soomaaliyeed.

Wali ma jirto cid loo soo xiray dilkan iyo cid la tuhmayo, waxaana inta badan dalka Mareykanka ka dhaca dilal ay isku geestaan dhalinyarada Soomaaliyeed dhaxdooda kuwaa oo u abaabulan koox koox.

Dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa kamid ah goobaha ugu badan ay isku dilaan laguna dilo dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha kunool, waxaana marar badan lagu guul dareestay in wax laga qabto dhibaatada ay isku geestaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -