Xarun muhiim u ah G/Banaadir oo 30-sano kadib dib loo hirgaliyay (Daawo Sawirada)

Wasiirka wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee XFS iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa xariga ka jaray xarunta waxbarashada gobolka Banaadir oo muda 30-sano kadib dib loo hirgaliyay kaas oo qeyb ka noqon doono xoojinta adeegyada wabarashada waxaana daahfurka xafiiskan goob joog ka ahaa hogaanada daladaha waxbarasho ee dalka.

Xaruntan cusub ayaa laga hirgaliyay degmada Xamar Weyne iyadoo ay ka kooban yihiin dhowr qeybood oo bixin doono adeegyada waxbarashada ee gobolka Banaadir si loo helo waxabarsho tayaleh oo bilaash ah iyo in laga baxo baahiyaha waxbarasho ee taagan.

Masuuliyiintan ayaa kormeeray xafiisyada ay xaruntan ka kooban tahay waxeyna ku kula dardaarmeen madaxda xaruntani in ay dardargaliyaan horumarinta waxabarashada Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay sida ay maamulkiisa uga go’an tahay horumatinta waxabarshada.

“Maamulka gobolka Banaadir, wasaarada waxbarashada dowlada federaalka Soomaaliya iyo Daladaha waxbarashada oo iskaashanaayo waxaa inaga go’an sidii aan usoo celin laheyn waxbarasho tayaleh oo lacag la’aan ah, xaruntaan waxaan ugu talagalnay sidii loo dabooli lahaa baahiyaha waxbarasho ee kajira degmooyinka gobolka Banaadir iyadoo la isugu xiraayo qeyb qeyb”.

Wasiirka waxbarasha XFS mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa faah-faahiyay da’daalka ay xukuumada Soomaaliya ugu jirto sidii loo buuxin lahaa baahiyaha waxbarasho ee dalka ka jira.

“Xukuumada Soomaaliya waxa ay da’daal xoogan ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka gaar ahaan waxaa Caasimadda ka fulinay dhowr mashaariic oo lagu xoojinaayo adeegyada waxbarasha si caruurta ay u helaan fursada waxbarasho oo lamid midii birisamaadkii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -