Isgaarsiinta Dhuusamareeb oo la jaray & Warar kala duwan oo ka soo baxaya

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud Ciidamo gadoodsan ayaa la wareegay saaka Saldhigga Booliska Magaalada Dhuusamareeb.

Maamulka ayaa amar ku bixiyey in la jaro Isgaarsiinta magaalada Dhuusamareeb oo hawada laga saaray.

Ciidamadan oo ka mida Booliska Galmudug ayaa cabanaya mushaar la’aan muddo bilo ah, waxayna ku dhaqaaqeen tallaabo ay kula wareegeen waddooyinka laga galo saldhigga Booliska Magaalada Dhuusamareeb, waxaana bilwoday dadaal loogu jiro xalinta dhibaatada ay tabanayaan ciidamada.

Arrintan ayaa timid iyadoo madaxweyaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu kormeer ku tegay xarumaha Ciidamada Galmudug, waxayna dhalisay xaalad kacsan.

Dad ku sugan Dhuusamareeb oo Internetka lagu helay ayaa sheegey iney dhibaato ku qabaan lacagta Taleefonada ku jirta oo aysa wax ku iibsan karin, maadaama aysa shaqeynayn, waxayna intaasi ku dareen in dhamaan deegaanada Galmudug laga isticmaalin lacagta shilinka Soomaaliga oo mar hore ay ugu dambeysay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -