Mareykanka oo si adag uga hadlay Ciidanka dowlada u daabushay Gobolka Gedo

Isuduwaha siyaasadda ee dowlada Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo ciidamada Dowladda Federaalka ay ku daabushay magaalooyin katirsan gobolkaasi.

Rodney Hunter, ayaa ka hadlay khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland iyo ciidanka ay xukuumadda Soomaaliya muddooyinkii dambe geeneysay Degmooyin katirsan gobolka Gedo oo horey gacanta ugu jiray maamulka Jubbaland.

“Ciidamada milateriga Dowladda Soomaaliya ee sida siyaasadeysan loogu daadgureeyay gobolka, looguna dagaal geliyay gobolka Gedo ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taas weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga”, ayuu yiri Rodney Hunter.

Waxa uu sheegay Rodney in ciidamada dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada looga baahan yahay in ay dagaal la galaan Al Shabaab , waxa uuna sheegay in aan la qaadan karin in isku dhac hubeesan uu dhax maro ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland.

Isuduwaha siyaasadda ee dowlada Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu soo afjaro duulaanka ciidanka dowlada federaalka ku qaadeen gobolka Gedo.

Waxa uu sidoo kale Rodney Hunter ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in wadahadal la galo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe si xal looga gaaro Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowlada federaalka iyo Jubbaland.

Mr Hunter ayaa sheegay in horumar walba oo laga gaaro dhinacyada amniga, siyaasadda, deyn cafinta ay udub dhexaad u tahay iskaashi ay yeeshaan Dowladda Federaalkaiyo maamul goboleedyada.

Waxaa kale oo uu sheegay in Mareykanka uu aad uga walaacsan yahay khilaafka u dhaxeeya Dowladda  iyo maamul goboleedyada oo muddooyinkii dambe sii xoogeystay, waxa uuna sheegay in xallinta arrintaas ay kala hadleen labada dhinacba.

Hadalka kasoo yeeray dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili dowlada federaalka Soomaaliya ciidamo badan geesan gobolka Gedo, waxaana gobolkaasi laga dareemaaa xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -