Allbanaadir.com
NEWS

Sanbaloolshe oo baaq cajiib ah u diray Xildhibaanada ku midoobay Kutlada NISA

Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa maanta kamid noqday xildhibaano dhoor ah oo qaatay shahaadada xildhibaanimo ay bixinayaan guddiga doorashada heer federaal.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta qaato shahaadada cadeeneysa xildhibaanimadiisa, waxa uuna ugu baaqay Xildhibaanada kale ee dooran in ay qaataan shahaadada .

Waxa uu si gaar ah Sanbaloolshe baaq ugu diray xildhibaanada kasoo galay baarlamaanka Hay’adda Nabad sugida ee ku bahoobay kutlada NISA, waxa uuna sheegay in aan la joogin xilligii ay taliye ka amar qaadan jireen balse markan matalaan dad iyo deegaan.

”Waxaan ugu baaqayaa xildhibaanada dooran in ay qaataan shahaadada, qaasatan waxaan ugu baaqayaa xildhibaanada ku bahoobay kutalada NISA in ay yimaadaan oo qaataan shahaadada,NISA taliyheeda waa qaatay , hal taliyana ma lahan waa taliye badan yihiin NISA, nin aan xur u aheyn in shahaadadiisa qaato hadhawna xur u noqon maayo codkiisa si xur ahna dadkiisa iyo deegaankiisa kuma matali karo, shalay ood askar aheydeen iyo maanta oo xildhibaano tihiin, ma fiicna in aad isku mid ahaataan. waxaa wanaagsan in habdhaqankiina uu kala duwanaado sidii hore ” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Hadalkan kasoo yeeray taliyihii hore ee NISA hadana ah xildhibaan katirsan gollaha shacabka ayaa kusoo aadaya xili xildhibaano badan oo katirsan labada aqal ay qaateen shahaadada Xildhibaanimo, halka kuwa kalana lagu amray in aysan qaadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa kasoo baxay kulan Caawa dhax maray Qoor Qoor iyo Midowga Musharaxiinta ?

Cabdi Cade

Dagaal kale oo galabta ka qarxay Guriceel iyo Xoogaga Ahlu-sunna oo laga jaray..

Caydiid Ali

Madaxweynaha Finland oo aad ula yaabay hadal kasoo yeeray Donald Trump

Cabdi Cade