Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Ciro oo lagu soo dhoweeyey dalka Jabuuti (Sawirro)

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Waftigii uu hogaminaayo ayaa  gaadhay dalka Jabuuti, waxaana garoonka diyaaradaha   ku soo dhaweeyey Ra’iisal Wasaaraha dalka Djibouti  Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gelinkii dambe ee maanta, waxaa uu xarunta qasriga madaxtooyada Jabuuti kulamo xog-waraysi ah la yeeshay wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxay ka wada hadleen xiriirka derisnimo iyo midka iskaashi ee ka dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland gaar ahaan, dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Madaxweyne Geelle ayaa kulanka ka dib qado sharaf u sameeyey wafdiga madaxweynaha Somaliland.

Weftiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxa ka mid ah:  Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta, Wasiirka Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha (Chief of Staff).

Waxa kale oo xusid mudan in socdaalka Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay dalka Jabuuti, ay ka mid yihiin, booqashooyin kala duwan oo uu ku mari doono kaabayaasha aasaasiga ah ee horumarinta, oo ay ka mid yihiin xarunta shirkadda Djibouti Telecom iyo kaabayaasha dekedda.

Related posts

Dowlada Itoobiya oo Shaacisay tacadiyo iyo dhibaatooyin badan ay geesteen TPLF

Cabdi Cade

(Sawirro) Turkiga oo u jiheystey doorasho ku celis ah & Erdogan oo la hadlay Warbaahinta

Caydiid Ali

Labo Musharax oo sabab u ahaa in Saciid Deni uu noqdo Madaxweynaha Puntland !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---