Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka PSF oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilalkii ka dhici jiray Gaalkacyo

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali (Jifo-jabsade) oo maanta hadal ka jeediyay magaalada Gaalkacyo ayaa ciidanka PSF ku eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen dilalkii qorshaysnaa iyo madax-jebiskii laga raystay ee ka dhici jiray Gaalkacyo.

Guddoomiye Faysal Jifo-jabsade oo aan soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya eedayntan culus ayaa sheegay in maalintii Ciidanka PSF shaqada laga joojiyay wixii ka danbeeyay aan qofna lagu dilin Gaalkacyo madax-jebis danbena ka dhicin, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay ciidanka PSF in aysan weligood soo qaban qof loo haysto dilalkii ka dhici jiray Gaalkacyo, taasi beddelkeeda wuxu sheegay in iyagu(PSF) ka daba imaan jireen qofkii lagu qabto madax-jebis, si ay xabsiga uga sii daayaan, taasina fasir u baahan tahay.

“Maalintii shaqada laga joojiyay ciidamada uu madaxda ka yahay ina Diyaano, wixii ka danbeeyay Gaalkacyo qofna laguma dilin midna madaxa laguma jebin, weligoodna hal qof oo madax-jebin ah may soo qaban, kuwii la soo qabtayna iyaga (PSF) ayaa daba socda, arrintaasi fasir bay u baahan tahay” ayuu yiri Jifo-jabsade.

Related posts

Saameyn ma isku leeyihiin hab-nololeedka bulshada iyo horumarka la tiigsanayo ?

Cabdi Cade

Ciidanka dowladda iyo kuwa Deegaanka oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Galmudug oo War ka soo saartay Xildhibaano ku naf waayey qarax loo dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---