Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo gacanta ku dhigtay Dhagax Qaali ah oo laga soo helay Deegaanka Ceel Cali

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayay dhagax qaali ah oo la sheegay in laga helay Deegaanka Ceel Cali ee kuyaala duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Macdanta iyo biyaha ee maamulka Hirshabelle ayaa lagu faah faahiyay waxa uu yahay dhagaxan laga helay deegaanka Ceel Cali iyo Marxaladihii uu soo maray.

Wasaarada ayaa sheegtay in dhagaxan la tuhmayo in uu qaali yahay uu fashilmay isku dayo abaabulan oo lagu doonayay in lagu geeyo magaalada Baladweyne, waxa ayna xustay Wasaarada in hadana la qorsheeyay in dhagaxaasi loo soo qaado Muqdisho.

Warkan kasoo baxay Wasaarada Macdanta ayaa lagu sheegay in ciidamada dowlada ay duleedka Muqdisho ku qabteen dhagaxan laga keenay deegaanka Ceel Cali, waxa ayna wasaarada sheegtay in dowlada kala shaqeenayaan sidii dhagaxaasi loo maareyn lahaa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari ku kacay fal aad looga carooday oo Muqdisho lagu xiray

Cabdi Cade

Jaamacadda Benaadir oo daahfurtay Barnaamij cusub oo Waxbarasho (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Xamse oo waqti la qaatay shacab ku ciidayey Beerta Daru-Salaam (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---