Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Shacabka oo maanta ka dooday hindise sharciyeed muhiim ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa 15-aad oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka Golaha Shacabka ayaa waxa uu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Barkacayaasha, waxaana Xildhibaanadda ay qodobada hindise sharciyeedkan su’aalo ka weydiiyeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Nuur oo Xildhibaanadda uga jawaabayay su’aalaha ay weydiinayeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha shacabka inuu hindise sharciyeedka kusoo daro dooda iyo aragtiyada Xildhibaanadda islamarkaana uu akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo.

 

Related posts

Xildhibaanno iyo Saraakiil caan ah oo tagay furumaha dagaalka (Sawirro)

Cabdi Cade

QM oo War kulul ka soo saartay Weerarkii lagu qaaday xarrunta Baarlamanka Somalia

Caydiid Ali

Seminaar ku saabsan cudurada Wadnaha & Neef-mareenka oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---