11 Musharax oo isku soo taagay doorashada gudoonka Golaha shacabka (Akhriso Magacyada)

Guddiga Qabanqaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa galabta soo soo gebagebeeyey qabashada araajida musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana si rasmi ah shuruudaha u buuxiyey 11 musharax oo ka soo jeeda beelaha dega degaanada koonfur galbeed.

Guddiga ayaa shaaciyey magacyadaa 11-ka xildhibaan ee u tartamaysa xilka gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamanka federaalka oo lagu wado inay dhacdo 30-ka bishan April.

1-Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow

2- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur

3- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen

4- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

5- Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe

6- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye

7- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar

8-Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal

9-Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

10- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye

11-Xildhibaan Iimaan C/llaahi Nuur

Musharaxiinta u taagan xilka uu banneeyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee xilkan isu soo taaga tan iyo sanadki 2000 shirkii Carte.

Waxaa ku jira Wasiiro ka tirsanaa xukuumada federaalka oo xilalkoodii iska casilay, si ay uga mid noqdaan musharaxiinta u tartamaya guddoonka golaha shacabka, waxaana qaarkood ay hayeen xilal sare oo muhiim ah.

Soomaali badan ayaa la yaaban qaar ka mid ah wasiiradan oo iyagoo aan rajo ka qabin iney ku guuleystaan doorashada haddana iska casilay xilalkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -