Maxaa ka dhacay Magaalada Muqdisho, 14 sano ka hor maanta oo kale, 15kii January?

Waa 14 sano kahor maanta oo kale. Waa subax Khamiis ah. Bisha Jannaayo waa 15, sanadkuna waa 2009. Waxaan ku noolahay xaafadda Tiida ee degmada Deyniile oo aan u qaxnay. Waxaan dhagaysanayaa warka aroornimo ee idaacadda Shabeelle, oo aan subaxaas ka maqlay warkii iigu farxadda badnaa ee aan idaacad ka dhagaystay, oo sheegayay in ciidamada Itoobiya ay xalay ka baxeen Muqdisho, ayna faarujiyeen Isgoyska Florenza, Madaxtooyada Soomaaliya, Wasaaraddii Gaashaandhigga, Xarunta Guulwadayaasha, Isbitaalkii Digfeer, Kulyadda Jaalle Siyaad iyo Xeradii Asluubta. Maalin kahorna waxay ka baxeen Warshaddii Baastada, Xeyle Bariise, Miisaanka Dhuxusha, Stadium Muqdisho, Xaruntii Xisbiga iyo Isgoyska Cali Kamiin.

Halhaleel ayaan uga baxay guriga, waxaana ku biiray kumanaan qof oo farxad la soo firxday, si ay u soo arkaan guryihii ay labo sano kahor ka qaxeen. Waxaan lug ku imid xarunta Gaashaandhigga. Afhayeenkii Hawlgallada ee Maxkamadaha Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa iridka Gaashaandhigga kula hadlaya dadweynaha iyo saxaafadda, wuxuuna shacabka ugu baaqayaa in ay dulqaataan inta ay ka xaqiijinayaan ammaanka goobaha ay Itoobiyaanku ka baxeen. Warkaas lagama dhagaysan oo iridka ayaa la isku buurtay.

Barqadii ayaan ka baxay Gaashaandhigga, waxaana ku lugeeyay laamiga Warshadaha. Waxaan sii maray Xarunta Guulwadayaasha. Duhurkii ayaan gaaray garoonka Stadium Muqdisho oo ay shacabku buuxdhaafiyeen. Dad aan ka xusuusto abwaan Abshir Bacadle Alle ha u naxariistee iyo abwaan Guure ayaa shacabka kula hadlaya Isbartiibada.

Waxaan ka baxay Stadium Muqdisho, waxaan sii maray saldhigyadii ay Itoobiyaanka ku lahaayeen Xarunta Xibsiga, Isgoyska Cali Kamiin, Xamar Bile iyo Isgoyska Foloronza. Waxaana tegay gurigeenna oo ku yaalla xaafadda Xararyaalle oo aan ka qaxnay kadib markii uu noogu soo galay madfac habaryartey naafeeyay. Geed Yuhuud iyo Tiitiin ayaa dariiq kasta xiray. Luuqyadana waxaa ka soo uraya maydad ku qurmay.

Guri kasta waxaa ka muuqdo burbur ka soo gaaray madaafiicdii Itoobiyaanka. Deriskaygii ayaan sanado kadib dib u kulannay. Intii qaxa lagu jiray qoys kasta tiisa ayaa heysatay oo dadku war isuma heyn, balse maalinkaas ayaa la is warsaday. Yaa dhintay iyo yaa nool ayaa la is waydiiyay. Hebel iyo heblaayo waa dhinteen. Hebel dhiigbax ayuu u geeriyooday. Qoys hebel BM ayaa gurigooda ku soo dhacay oo waxaa ka nool hebel iyo heblaayo kaliya. Hebel dhaawaciisa inta dalka wax waa looga qaban waayay ayaa dibadda loo qaaday. Heblaayo isbitaal hebel ayay taallaa oo Itoobiyaanka ayaa kufsiwadareed u gaystay. Hebelna meydkiisa ayaa la qaadi waayay, kadibna eeyo ayaa meel heblaayo ku cunay, ayaa la is yiri.

Warbixin ay Wakaaladda Wararka ee Reuters maalinkaas daabacday waxay ku sheegtay in ay Itoobiyaanku Muqdisho ku dileen 16,000 oo shacab ah. Ayna barakiciyeen dad hal milyan ka badan. Tirada dhimashadu intaas way ka badneyd oo odayaasha Beelaha Hawiye oo maalin kasta sheegi jiray halka ay dhimashadu mareyso waxay markii iigu war dambaysay kor u sii dhaafaysay 28,000.

Kumanaan qof oo ila dareen ah oo maalinkaas ka soo lugeeyay deegaannadii ay u qaxeen ayaa guryahoodii dib u arkaya. Maalmo kadib qoys kasta gurigiisa ayuu dayactir ku bilaabay, kuna soo laabtay. Malaha ma jiro qof reer Muqdisho ah oo aan xasuuqii Itoobiya ku waynin qof uu jeclaa iyo qoys Muqdisho ku noolaa oo aan qixin, qofna uga dhiman ama uga dhaawacmin.

Maalinkii ay Itoobiya dalka ka baxday waxay reer Muqdisho u aheyd maalin ciid ah. Waa maalin xus iyo xusuus gaar ah mudan oo ay tahay in buugaag laga qoro, iskuulladana lagu dhigo, halgan guuleystay iyo xaflado dabbaaldeg ahna lagu sunto.

W/Q: Hussein Sabriye

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -