Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Mursal & Beesha caalamka oo ka wada hadlay doorashada 2020-ka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa kulan la qaatay Wakiilo Ka Kala Socday UN, USA Iyo safiirada dalalka La isku yiraahdo Copenhegan Group oo ah safiirada dalalka saaxiibka dhow la ah Soomaaliya.

Waxaa kulanka looga hadlayay Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan Dabayaaqada sanadkan 2020-ka.

Safiirada ayaa ku amaanay Baarlamaanka Soomaaliya howlaha ay hayaan ee la xiriira Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan sameynta sharciyada muhiimka u ah Doorashooyinka Dalka.

Sidoo kalena waxay amaaneen horumarada kala duwan ee ay gaartay Dowlad Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida uu sheegay Xoghayaha guud ee Golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay Lix Nin oo gacanta ugu jiray (Magacyada)

Cabdi Cade

Maxkamada sare ee Yurub oo riday xukun ka farxiyey Qaxootiga qaarada ku nool

Caydiid Ali

Madaxweyne amar ku bixiyay in la toogto dadka diida xayiraada Caronavirus !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---