Dowlada oo ka hadashay Weerar ka dhacay magaalada Dujuuma iyo Khasraaha ka dhashay

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay weerar dhinaca cirka ah ay iska kaashadeen ciidanka dowlada iyo kuwa Mareykanka oo ka dhacay meel ku dhaw magaalada Dujuuma.

Dowlada ayaa sheegtay in duqeyntan lagu dhaawacay sadex xubnood oo katirsan Al Shabaab sidoo kale lagu bur buriyay xarun kooxdaasi laheyd, waxa ayna dowlada sheegtay in duqeyntaasi aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah.

Halkan ka Akhriso Warka kasoo baxay Dowlada

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidanka Mareykan ee taliska fadhigiisa Afrika (AFRICOM) ayaa shalay cirka ka duqeeyey mintidiinta Al-shabaab meel u dhaw magaalada Dujuuma ee Soomaaliya.

Duqeyntan oo ahayd mid lagasoo baaraandegay ayaa lagu dhaawacay saddex argagaxiso islamarkaa lagu burburiyey xarun Al-shabaab oo halkaa lagu ogaa.

DFS iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykan ayaa qaadaya tallaabooyin dheeri oo laga taxadarayo waxyeellada shacabka inta lagu gudajiro ladagaalanka kooxda aragagaxisada ee Al-shabaab iyada oo si buuxda loo baarayo eedo walba oo soo baxa.

Imankadan la joogo ma jirto cid rayid ah oo wax ku noqotay hubintii la sameeyey weerarkan isaga ah.

Duqeymaha dhawaanahan lagu beegsanayay xubno ka mid ah madaxda Al-Shabaab ayaa waxay ka dhigantahay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ciidankeeda gaarka ah ee DANAB oo gacan ka helaya Ciidanka AFRICOM ee Mareyka ay ka go’antahay jabinta kuwa argagaxa iyo dibindaabyada ku haya dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -