Bankiga dhexe ee Somalia oo shacabka uga digay Shirkadaha Forex (Akhriso)

Bankiga dhexe ee Somalia ayaa uga digay shacabka Soomaaliyeed iney ka fogaadaan maalgeshiga shirkadaha sarifka online-ka ah ee Forex oo mudooyinkan ku soo badanayey magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka.

Warqad ka soo baxday Bankiga dhexe ayaa lagu sheegay in shirkadahan aysan heysanin ruqsada bankiga dhexe, ayna yihiin shirkaddo khasaare xoogan u soo jiidi kara dadka maalgashada.

Hadalka Bankiga dhexe ayaa yimid ka dib markii qaar ka mid ah shirkadaha Forex ee ka shaqeeya Muqdisho ay sheegeen iney khasaareen, ayna lumiyeen hanti gaareysa boqolaal kun oo dollar taasoo ay lahaayeen dad Soomaaliyeed oo loo sheegay in faa’iido looga dhalinayo.

Bankiga dhexe ayaa horey u mamnuucay Shirkadaha Forex-ka, isagoo bankiyada dalka ku amray iney xiraan akoonada ay shirkadahan ka furteen, inkastoo go’aankan sidii loogu talo galay uusan u dhaqan gelin, ayna sii kordhayaan maalin walba shirkadaha ka shaqeeya forex-ka ee dadka ka ururinaya lacagaha.

Hoos ka akhriso qoraalka Bankiga dhexe

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -