Maxkamada sare ee Yurub oo riday xukun ka farxiyey Qaxootiga qaarada ku nool

Maxkamada sare ee Midowga Yurub ayaa soo saartay go’aan quseeya qaxootiga ku sugan wadamada Yurub ee heysta Sharciga deganaanshaha.

Xukunka Maxkamada ayaa dhigaya in qofka heysta sharciga deganaanshaha uu xaquuq ahaan la mid yahay qofka muwaadinka ee heesta Baasaboorka.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Qoys ka soo jeeda dalka Afganistan oo degan dalka Austria laga dhimay gunada ama lacagta Ceydha loo yaqaano.

Qoyska ayaa dacwad ka gudbiyay Dowlada Austria waxaana dacwada oo leysku mari waayay ay u gudubtay Maxkamada ugu sareysa Yurub ee (EU Court of Justice) taasoo ugu dambeyn xukuntay in qoys kasta oo degenaasho rasmi ah heysta la siiyo xaquuq la mid ah mida qofka muwaadinka ah uu leeyahay.

Arrintan ayaa ka farxisay kumanaan qoys oo heysta sharciga degenaanshaha rasmiga ah, kuwaasoo ku nool dalalka Yurub ka dib markii wadamadii ay joogeen qaarkood ay dhimeen lacagta la siiyo.

Maxkamada ayaa ayaa sidoo kale soo saartay in qofka aan la siinin sharciga deganaanshaha rasmiga ee heysta midka ku meelgaarka laga dhimi karo lacagta la siiyo haddii loo baahdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -