Allbanaadir.com
NEWS

Badmaaxiyiin u afduuban Burcad-badeed oo salaada ciida ku dul dukaday Markab (Sawirro)

Badmaaxiyiin u dhashay dalka Bangaladesh oo afduub ahaan u heestaan koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa maanta salaada ciidul Fitriga ku dul dukatay markabka MV Abdullahi ee afduub ahaanta loogu dul heesto.

Sawirro lasoo qaaday ayaa muujinaya 23 badmaaxiyiin Bangaladesh ah oo markabka dushiisa salaada ciida kula dukanaya qaar kamid ah burcad-badeeda afduub ahaanta u heestato badmaaxiyiinta.

Ilaalo hubeysan oo katirsan burcad-badeeda Soomaalida ayaa si weyn waardiye uga hayay badmaaxiyiinta xilliga salaada ciida ay ku dul oogayeen markabka MV Abdullahi dushiisa.

Burcad-badeeda ayaa sidoo kale la sheegay in ay badmaaxiyiinta u oggolaadeen in ay la xiriireen ehelkooda oo ay isla wadaageen hambalyada iyo farxada ciiddul-Fitriga, iyagoo u diray Sawirada ay iska qaadeen xilligii Salaada Ciidda.

Wadaxaajood u dhaxeeya kooxda burcad-badeeda ee afduubka u heesto markabka iyo shirkadda SR Shipping Limited ee iska leh markabka ayaa lasoo warinayaa in uu meel fiican marayo , ayna suurto gal tahay in madax-furasho lagu sii daayo markabka iyo shaqaalaha saaran.

Related posts

Madaxweyne Waare oo ka hadlay Qarax lagu dilay Wasiir iyo Xildhibaan oo maanta ka dhacay Sh/Hoose

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo booqday Deegaano Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Magacaabay taliyeyaal cusub (Akhriso Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---