Cumar Filish oo kormeer kedis ah ku tagay xarumo & Jidad ku yaalla Muqdisho (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa kormeer shaqo oo kadis ah ku tagay Xarumaha degmooyinka Xamar Weyne, Yaaqshid, Heliwaa, Warta Nabadda, Xarunta Gaadiidka iyo Dhul bixinta iyo qeybo ka mida Wadoyinka Magaalada muqdisho.

Waxay halkaas warbixin kaga dhegeysteen Gudoomiyaasha Degmooyinka.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa bogaadiyey howlaha kala duwan ee ka socda goobaha ay maanta kormeerka shaqo ku tegeen, waxa uuna madaxda Degmooyinka kula dardaarmay iney sii laban laabaan howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan Bulshada ku nool Caasimadda Muqdisho.

Gudoomiye Cumar Filish waxa uu sheegay inuu jiri doono Isla xisaabtan dhab ah oo lagu abaal Marin doono cid walba oo shaqo wanaagsan u heysa Bulshada uu madaxda u yahay, waxa uuna taas bedelkeeda intaa ku daray iney ciqaab muteysan doonaan cid walba oo ku guul dareysata howsha loo idmaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -