Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in la dilay labo kamid ah Madaxda sare ee Al Shabaab

War saxaafadeed kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ay si wadajir ah degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhaxe uga fuliyeen ciidamada dowlada iyo kuwa Mareykanka lagu dilay Madax sare oo katirsan Al Shabaab.

Dowlada warka ay soo saartay ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay labo kamid ah Madaxda sare ee kooxda Al Shabaab mid kalana lagu dhaawacay, waxaa sidoo kale dowlada sheegtay in duqeynta lagu bur buriyay xero ay lahaayeen Al Shabaab.

Halkan ka Akhriso Warka kasoo baxay Dowlada Federaalka

Habeenkii xalay, 22-ka Feberaayo 2020, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidanka Dowladda Mareykanka (AFRICOM) ayaa duqeyn ka gaystay magaalada Saakow ee dhacda gobolka Jabbuda Dhexe ee Soomaaliya.

Duqeyntan habeysan ayaa lagu dilay labo ka mid ah madaxda sare ee Al-shabaab halka mid kale na lagu dhaawacay iyada oo lagu baabi’iyey xero ciidan oo ay Al-shabaab halkaa ku lahayd.

DFS iyo Ciidamada Dowladda Mareykan ee AFRICOM ayaa qaadaya tallaabooyin dheeri oo ay uga hortagayaan waxyeellada shacabka marka lala dirirayo argagaxisada Al-shabaab iyada oo si buuxda loo baarayo eedayn walba oo soo baxda. Duqeyntan iyada ah ma jirto cid shacab ah oo wax ku noqotay hubintii la sameeyey.

Duqeyntan waa mid ahmiyad leh maxaa yeelay waxay na tusinaysaa in haweenku ka mid noqon karaan Al-shabaab. Haweenku kuwooda ka shaqeeya shabakadda Amniyaatka ama u fududeeya adeegyada kale waa Al-shabaab.

Dumarka waxaa lagu dirqiyaa inay ku biiraan Al-shabaab iyada oo la cabsigelinayo ama xoog loo sheeganayo si ay u xambaaraan afkaarta gurracan ee Al-shabaab. Soomaaliya iyo bahwadaagteeda way ka go’antahay la dagaalanka argagaxisada Al-shabaab iyada oo aan loo aabayeelayn jinsi, si markaa looga hortago dhimashada dadweynaha aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo caruurta Soomaaliyeed ba iyo waliba dalalka deriska ah Soomaaliya. Dadaaladan aynu wadno ayaa looga gol-leeyahay ka hortagga iyo ilaalinta dadka rayidka, waxayna ka geddisantahay weerarada aan loo meeldayin ee ay Al-shabaab ku beegsadaan had iyo jeer meelaha shacabka ku badanyahay ee ku yaalla Soomaaliya.

Duqeyntan iyo iskacaabintii ay sameeyeen Ciidanka Xoogga Dalka , ciidanka daraawiishta iyo ciidanka Danab ee ku sugan magaalada Sabiid ayaa waxay calaamad u tahay sida muwaadiniinta Soomaaliyeed, DFS iyo bahwadaagtooda Soomaaliyeed ay u meelmarinayaan caddaalad marinta kuwa dabandaabyada iyo argagaxa ku haya dadka Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -