Caqabado hor taagan Caleemo Saarka Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug

Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaan wali loo caleemo saarin xilka Madaxweynaha Galmudug oo 2-dii bishan Febraayo loogu doortay magaalada Dhuusomareeb.

Qoor Qoor ayaa howlihiisa shaqo ka wada magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug, warar aan helnay ayaana sheegaya in caqabado dhoor ah ku horgudban yihiin in Madaxweynaha la caleemo saaro.

Doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa waxaa ka horeeyay khilaaf sababay in doorashada qaadacaan Kooxda Ahlu Sunna iyo sidoo kale Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale oo isna sheegay in wali Madaxweyne yahay.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in qorshaheedu ahaa marka doorashada dhamaato wadahadal la furto Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale si loogu qanciyo in uu xilka wareejiyo kana soo qeyb galo caleemo saarka Qoor Qoor.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Xaaf ayaa wali ka biyo diidan in uu xilka wareejiyo sidoo kale aqbalo natiijada doorashadii uu kusoo baxay Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Kooxda Ahlu Sunna ayaa sidoo kale fadhisa magaalada Dhuusomareeb iyaga oo ka biyo diidsan doorashadii uu kusoo baxay Qoor Qoor, waxaana Sheekh Shaakir oo katirsan hogaanka Ahlu Sunna uu isna aaminsan yahaya in uu yahay Madaxweyne.

Diidmada Xaaf iyo Ahlu Sunna guusha Madaxweyne Qoor Qoor ayaa wali caqabad ku ah in munaasabad xaleemo saar ah ka dhacdo magaalada Dhuusomareeb, waxaa sidoo kale socda dadaalo wali khilaafka taagan xal loogu raadinayo.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ka biyo diidsan tahay ka qeyb galka caleemo saarka Qoor Qoor, waxa ayna Wakiilada Beesha Caalamka ka codsadeen dowlada iyo Madaxda cusub Galmudug in xaliyaan khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Abaabulka iyo qaban qaabada munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaan wali ka muuqan magaalada Dhuusomareeb, mana jiro ilaa hada wax guddi ah oo loo saaray qaban qaabada munaasabada caleemo saarka .

Madaxda cusub ee maamulka Galmudug ayaa wali ku sugan magaalada Dhuusomareeb ee lagu doortay, waxa ayna halkaasi ka wadaan howlmaalmeedkooda shaqo, mana u suurto galin in wali la kulmaan Madaxda Ahlu Sunna oo degan meel u muuqata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -