Ciidamada Kumaandooska oo gacanta ku dhigay Xubno katirsan Al Shabaab iyo hubkooda

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo balaaran ka fuliyay deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo gacanta ugu jiray Xarakada Al Shabaab.

Taliyaha Guutada 16aad ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in ciidamada Danab howlgalo bur burin ah ka sameeyeen deegaano gacanta ugu jiray Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada Danab la wareegeen deegaano dhoor ah oo gacanta ugu jiray Al Shabaab, waxa uu sidoo kale tilmaamay in saraakiisha Al Shabaab bilaabeen in ay ka firxadaan deegaano katirsan  Sh/Hoose kadib cabsi lasoo daristay.

Taliye Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Danab intii ay howlgalka ku guda jireen gacanta ku dhigeen lix dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab iyo hubkii ay wateen, waxa uuna tilmaamay in dagaalyahano kale ay ciidamada ku daba jiraan.

Ciidamada Danab ayaa howlgalo qorsheesan ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose oo Al Shabaab awood badan ku leeyihiin kana soo abaabulaan weeraro xoogan ay ku qaadaan xarumaha ciidanka dowlada ku leeyihiin qeybo kamid ah gobolkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -