Allbanaadir.com
NEWS

Qassam oo caawa gantaalo ku weerartay gudaha Israel

Al-Qassam, garabka milatari ee Xamaas, ayaa sheegtay in ay weerar gantaallo ah ku qaadday Magaalada Ashdod ee ka tirsan Dhulka ay Israel heysato si ay uga aargudato duqeymaha Israa’iil ka geysatay Gaza.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in laga soo tuuray ku dhawaad 10 gantaal dhanka Gaza, kuwaasoo badankooda la qabtay. Qaar ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay iyadoo qaar ka mid ah ay si toos ah ugu dhaceen magaalada.

Ambulance-ka Israa’iil ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin 4 goobood oo ay ku daateen burburka gantaallada, halka warbaahinta Israa’iil sheegtay in gantaallo dhaceen gudaha magaalooyinka la beegsaday.

Wasiirka Maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich, ayaa sheegay in weeraradan ay caddeynayaan in loo baahan yahay in aan la joojin dagaalka ilaa la baabi’iyo Xamaas.

Dhanka kale, duqeymaha Israa’iil ee Gaza ayaa sii socda, waxaana difaaca rayidka Gaza uu sheegay in ugu yaraan 44 qof lagu dilay Axaddii, oo ay ku jiraan 21 qof oo ku dhintay Khan Younis. Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo badan oo ka dhashay weerarrada.

Related posts

Beesha caalamka oo War ka soo saartay shirka wadatashiga ee ka furmaya Muqdisho

Caydiid Ali

Dad careesan oo saakay Banaan bax ka dhigay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Doorashadii Xubnaha Golaha shacabka ee ka socotay Ceelwaaq oo lagu kala baxay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---