Allbanaadir.com
NEWS

Safiir iyo kuxigeenkiisa oo dagaalaamay iyo Xukuumada oo amartay in Muqdisho yimaadaan

Xarunta Safaarada Soomaaliya ku leedahay magaalada Khartuum ee dalka Sudan waxaa ku dhax dagaalamay safiirka Soomaaliya ee Sudan Maxamed Isaaq Ibraahim iyo la-taliyaha koowaad ee safaaradda Cusmaan Axmed Maxamed .

Labadab Diblumaasi ayaa la sheegay in khilaaf xoogan uu soo kala dhax galay, khilaafka ayaana la sheegay in markii dambe sababay in gacmaha iskula tagaan Safiirka iyo kuxigeenkiisa.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu faray labada diblumaasi in ay yimaadaan magaalada Muqdisho, waxaana qoraalka lagu sheegay in arimo aan fiicneyn ka dhaxeen xarunta safaarada.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Wasaarada arimaha Dibadda

Related posts

Dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmaray xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland

Caydiid Ali

Maxkamada racfaanka G/Banaadir oo go’aano culus ka qaadatay C/raxmaan C/shakuur

Caydiid Ali

Nin bisad sidii alaab oo kale ku diray boosto oo ganaax adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---