Nin bisad sidii alaab oo kale ku diray boosto oo ganaax adag lagu riday

Maxkamad kutaala dalka Taiwan ayaa ganaax lacageed ku riday nin 33-sano jir ah oo lagu helay dambi ah in boosto sidii alaabihii oo kale ugu diray bisad uu lahaa uu iska wareejinayay.

Warbaahinta dalka Taiwan ayaa ku warantay in Mr Yang lagu ganaaxay lacag ku dhaw 2-kun oo dollar kadib markii lagu helay in uu ku xadgudbay sharci ilaaliya xaquuqda Xayawaanka ee dalka Taiwan.

Ninkan ayaa la sheegay in bisada uu ku xiray kartoon kadibna ku hagaajiyay ciwaan boosto oo leedahay goob xayawaanka lagu xanaaneeyo oo ku taal degmada Banciao oo katirsan dalka Taiwan.

Baaritaano la sameeyay ayaa lagu helay ciwaanka ninka boostada kusoo diray bisada, waxaa sidoo kale ninkan laga daawaday kaamirooyinka qarsoon, waxaana dhacdada uu ninkan sameeyay noqotay mid si weyn Warbaahinta uga hadasho.

Madaxa hay’adda ilaalisa xayawaannada, Chen Yuan-chuan, ayaa cambaareeyay dhacdadaas, waxa uuna sheegay in Xayawaanka ay ku dhegi karto neefta haddii lagu rido kartoon aanay hawo ku filan ku jirin, biyo nadiif ah haddii uusan helin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -