Maxkamada racfaanka G/Banaadir oo go’aano culus ka qaadatay C/raxmaan C/shakuur

Maxkamada racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta go’aano culus ka qaadatay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo soo xaadiri waayey fadhigii maanta ee Maxkamada oo horey looga yeeray.

Maxkamadda  ayaa burisay go’aankii uu garsooraha Maxkamadda gobolka Banaadir uu ka gaaray dacwaddii loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur  oo ahaa inaan wax racfaan ah laga qaadan karin go’aankii maxkamaddaasi oo ahaa inaanu wax dambi ah lahayn  siyaasigan.

Ka dib markii Maxkamadu u fariisatay dacwada loo heysto C/raxmaan C/shakuur ayaa u fasaxday xeer ilaalinta Qaranka iney sii wadato baaritaanka ay ku heyso kiiska loo heysto siyaasigan.

Maxkamada ayaa sido kale shaacisay in xanibaad dhinaca safarada ah lagu soo rogay C/raxmaan C/shakuur inta uu socda baaritaanka kiiska loo heysto.

Sisoo kale Maxkamada racfaanka ayaa ganaax dul dhigtay illaa 8 qareen oo diiday iney difaacaan siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Shan ka mid ah waxaa lagu xukumay shaqo joojin labo bilood soconeysa iyo iney bixiyaan ganaax lacageed oo u dhigmna min 2000 kun oo dollar, iyadoo saddexda soo hartay lagu xukumay ganaax lacageed oo gaaraya min 2000 kun oo dollar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -